Gudoomiyaha Goblka Banaadir ahana Duqa magalada Muqdisho  Cumar Maxamud Maxamed (Cumar filish) Gudoomiye xigeenadiisa, Wasiir u Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Gudoomiyaha Degmada Dayniile ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay Dugsiga sare ee Qanyare oo si bilaashah wax ugu baran doonan Caruurta Degmada Dayniile.
Bulshada ku dhaqan degmada ayaa si weyn usoo dhawweyay dugsiga sare ee laga dhaxdgigay degmada, waxaana ay sheegen dadka degmada in ay jirto baahi weyn oo ay u qabeen dugsi si bilaash ah wax loogu baro ardayda.
Dhanka kale Gudoomiye ku-xigeenada Howlaha guud iyo Amniga iyo Siyaasadda ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay Hool loogu tala galay Shacabka Degmada Kaxda. Gudoomiye Degmada Kaxda Maxamed yuusuf iyo odayaasha Dhaqanka ayaa uga mahad celiyay maamulka gobolka Banaadir sida ay u garab Taagaanyihiin shacabka Degmada.