Baraha Bulshada ayaa waxa lagu faafiyay Qoraal sheegayay in dib u dhac uu ku yimid bixinta lacago loogu tala-galay dhalinyaro ka shaqeysay arrimo la xiriiray kahortega iyo xog-uruurinta Cudurka halista ah ee COVID-19, hayeeshee Maamulka Gobolka ayaa ka hadlay warkaas.
War-saxaafadeed kasoo baxay Maamulka G/Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay Qoraalkas lagu faafiyay Baraha Bulshada uu yahay mid aan kasoo bixin Maamulka, uusana Mateli karin Arrigta Gobolka, Maamulkana uu leeyahay baro rasmi ah oo loo adeegsado faafiyay wararka kasoo baxa.
“Waxaa uu xiligaan Maamulka Gobolka Banaadir ku guda jiraa xaqiijinta howlqabashada dhalinyrada sharafta mudan ee mar walbo ka qeyb qaadata howlaha horumarinta dalka sida wacye-gelinta iyo dib u dhiska†ayaa lagu yiri War-saxaafadeed Maamulka Gobolka.
Sidoo kale Maamulka ayaa faray Ururka dhalinyrada Gobolka Banaadir iyo Maamulada Degmooyinka inay si Deg-deg ah u soo dhameystiran habraacyada iyo Qoraalada heshiisneed si loo xaqiijiyo in sida ugu dhaqsiyaha dhow loo siiyo xuquuqdooda ka dhalatay hwolaha ay qabteen.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Maamulka G/Banaadir.