Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta degmada Deyniile kulan gaar ah kula qaatay saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka, isagoo kala hadlay xoojinta la dagaalanka Al-shabaab.
Kulankan amniga Caasimadda quseeya ayaa waxaa goob joog ka ahaa xildhibaan Cabdullaahi Gaafow oo horey usoo noqday Taliyaha ciidanka NISA iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir.
Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ku amaanay ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiishooda sida ay naftooda ugu horeyn xureynta dalka iyo badbaadinta shacabka.