Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa Maanta burburiyay Guryo iyo goobo Ganacsi ah oo sharci darri ah ay dad uga dhisteen waddo ku taalla xaafad ka tirsan degmadaas.
Guddoomiyaha Yaaqshiid Muuse Geesey Jimcaale oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu u sheegay in goobaha la burburiyay dadkii deganaa ay kal hore ku wargeliyeen inay ka guuraan, maadaama ay halkaas u dhisteen si sharci darro ah.
Waxaa uu sheegay Muuse Geesey in dadkii deganaa goobaha la burburiyay ay la yimideen Dukumeentiyo ku aadan dhulka, hayeeshee ay noqdeen kuwa been abuur, iyagoona dadka madkii dambe dacwad u gudbiyay Maxkamadda Gobolka Banaadir, balse ay Maxkamadda sheegtay in halka ka degan yihiin ay tahay waddo.
Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiye Geesey ayaa waxaa uu tilmaamay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu amar ku bixiyay in la burburiyo Guryaha iyo goobaha Gancsi ah ee sida sharci darrada looga dhistay Yaaqshiid, wuxuuna xusay in amarkaas la fuliyay, lana burburiyay.
Guddoomiye Muuse Geesey Jimcaale ayaa u digay dhammaan dadka degan waddooyinka ku yaalla degmada Yaaqshiid, isagoona Carabka ku dhuftay in dadka looga baahan yahay inay ka guuraan halkaas, isagoona sheegay in Maamulka uu amar u qabo inuu burburyo goobaha sida sharci darrad ah loo dhistay.