Maanta Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolkaan Banaadir waxa uu amray in la hakiyo Ganacsiga Suuqa Bacaad ee degmadaasi Yaaqshiid kadib markii Maalmihii la soo dhaafay ay dilal ka dhaceen.
Gudoomiyaha degmada degmada Yaaqshiid oo goor sii horeysay la hadlay Dalsan ayaa sheegay in Xarunta degmada ay kulan kula qaateen inta badan Ganacsatada Suuq Bacaad isla markaana ugu dambeyn uu fasaxay in Suuqaas dib loo furo.
Wararkii u dambeeyay ay Dalsan heshay ayaa waxa ay sheegayaan in qodobo dhowr ah ay ku heshiiyeen Maamulka degmada iyo Ganacsatada balse aan Warbaahinta lala wadaagin sidoo kalena hadda wixii ka dambeeya Suuqaasi uu furan yahay.
Suuq Bacaad oo ah Suuqa labaad ee ugu weyn Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa ka dhacay dilal loo geestay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada isla markaana dadkii ka dambeeyay dilkaas ay baxsadeen.