Guddoomiyaha Golaha deegaanka degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle Xasan Maxamed Axmed Darafey ayaa mamnuucay dhulalka sida sharci darrada ah loo dhisanayo iyo kuwa loo qabsanayo ee ku yaalla degmadaas.
Guddoomiye Darafey oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in maalmihii dambe gudaha degmada Warsheekh iyo nawaaxigeeda ay kusoo bateen dad si sharci darro ah dhulal isaga qabsanaya, isla markaana dhista, taasina ay keento is qab-qabsi ka dhasha.
Wuxuu Guddoomiyaha carabka ku dhuftay in Maamulka degmada uusan marnaba aqbaleynin in la iska qabsado dhul, kadibna la iska dhisto, iyadoo aan Maamulka fasax looga heysan, isagoona Digniin u diray dadka ku howlan arrimahaas oo uu xusay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabta falkaasi.
Laamaha amniga degmada ayuu Guddoomiye Xasan Darafey faray inay soo qabtaan dadka ku howlan arrimaha laga digay, sidoo kale waxaa uu Guddoomiyaha Warsheekh sheegay in gacanta lagu soo dhigay burcad Isbaarooyin dhigtay duleedka degmadaas, kuwaasi oo uu sheegay inay dhac u geysanayeen dad safar ahaa oo gaadiid saarnaa.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in ragga burcada ah ee lasoo qabtay ay ku xiran yihiin Saldhiga degmada Warsheekh, isla markaana wuxuu xusay in Maxkamad loo gudbinayo si sharciga loo horgeeyo, maadaama ay dhibaato ku hayeen shacabka, waa sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka Guddoomiye Xasan Darafey ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyada oo uu shalay gudaha degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed, kuwaasi oo dagaalkooda uu salka ku haayay arrimo la xiriira muran dhul.