Kadib weerarkii Ciidamada Milatariga maanta ay ku qaadeen Saldhiga Boliska Degmada Warsheekh ayaa maamulka Degmadaasi Waxa uu kahadlay Weerarkaasi.
Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Degmada Warsheekh Muriidi Xassan ayaa Wareysi uu siiyay Radio Dalsan waxa uu kaga hadlay weerarkaasi,waxaaana uu sheegay in taliyaha ururka 28aad ee guutada 4aad ee ciidamada xoogga dalka Cornel C/qaadir Nuur Xasan Qoondhe uu weerarkaas ku qaaday Saldhiga Boliska.
Taliye Qoondhe ayaa lagu eedeyay in dhibaatooyin uu ka geestay Degmadaasi,Isbaarooyin hareeraha Degmada yaalana isaga uu mas’uul ka yahay sida uu sheegay Gudoomiyaha Amniga iyo Siyaasada Warsheekh.
Halkaan ka dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha Amniga iyo Siyaasada Warsheekh Muriidi Xassan: