Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiiboyinka Galmudug ayaa maanta waxeey deeq gaargaar ah ku wareejisay maamulka caasimada Galmudug ee Dhusamareb iyadoo isla markiiba deeqdaas raashinka la gaarsiiyay dadka nugul ee ku nool caadimada sida Barakacayaasha, dadka danyarta ah iyo haweenka.
Deeqdaan Gargaarka ah oo ah Qamadi ama sareen ayaa waxaa la raiaynayaa inay wax ka tari doonto baahida dhanka cuntada ah mudada lagu jiro bisha barakeeysan ee Ramadan.
Deeqdaan raashinka ah maanta la gaarsiiyay caasimadda Galmudug ayaa qeeyb ka ah dadaalo ay waddo wasaaradda oo gargaarka lagu gaarsiinayo qeeybo badan oo ka mid ah deeganada Galmudug inta lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Ramadan.
Raashinka ayaa waxaa loo qeeybiyay si nabad gelyo ah iyada oo ay wasaaraddu korjoogteeyneeysay habsami u socodka hawsha.