Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Munaasabad ay xilka kula wareegayeen Maamulka Cusub ee Dhuusamareeb ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Gobaleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa ka qeybgalay munaasabada ay xilalka ku kala wareegayeen maamulkii hore ee Caasimada Dhuusamareeb iyo maamulka Cusub.
Sidoo kale Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo Mas’uuliyiin kale oo lagu Casuumay.
Guddoomiyhii hore ee Dhuusamareeb Macalin Nuur Cilmi Cabdulle ayaa xilka ku wareejiyey Guddoomiyaha Cusub ee Macalin C/raxmaan Geedoqoroow, kaasi oo uu magacaabay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Ugu danbeyntii Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug oo ka hadlay munaasabada xil wareejinta ayaa umahad celiyay maamulkii hore ee caasimada, isla markaana kula dardaarmay madaxda cusub in ay si wacan u gutaan masuuliyadda loo igmaday.