Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Madaxweynaha Cusub ee Mareykanka Joe Biden ugu hambaleeyay guushii uu ka gaaray Doorashadii ka dhacady dalkaas.
Madaxweyne Qoorqoor oo Qoraal soo saaray ayuu ku sheegay in guushii Madaxweyne Joe Biden ka gaaray Doorashada ay aheyd mid taariikhi ah, isla markaana uu ka guuleystay Madaxweynihii hore ee dalkaas Donald Trump.
“Waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha la doortay Joe Biden iyo VP-Elect Kamala Harris guushooda taariikhiga ah. Bogaadin gaar ah ayaa u jeedinayan dadka Mareykanka oo doortay haweeneydii ugu horeysay ee VP iyo dejinta xaalad cusub oo ah ka qeybgalka haweenka ee maamulka†ayuu yiri Qoorqoor.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray Madaxweynaha Cusub ee Mareykanaka Joe Biden oo ka adkaayay Donald Trump.