Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Den ayaa Maanta ka hadlay Sharciyo dhowr ah oo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya horey u ansixiyeen, kadib markii ay dood dheer ka yeesheen.
Madaxweyne Deni oo ka hadlaayay Munaasabadda furitaanka Kal-fadhiga 46-aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in Xildhibaanada Federaalka ay ansixiyeen sharciyo kala duwan oo Maamulkiisa aysan aqoonsaneyn.
Waxaa uu Madaxweyne Deni ku baaqay in gebi ahaanba la laalo Sharciyada Baarlamaanka Faderaalka iyo Aqalka Sare ay meelmariyeen, kuwaasi oo kala ah Doorashooyinka, Isgaarsiinta iyo Garsoorka, isagoo xusay in dhamaan sharciyadaas aysan aqoonsaneyn Puntland.
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay Arrimaha Doorashooyinka inay ka dhacaan dalka dhamaadkaan 2020/2021, wuxuuna eedeey kulul u jeediyay Madaxda Dowladda Federaalka.
Deni ayaa Madaxda Dowladda ku eedeeyay inay wadaan qorshayaal siyaasadeed oo danno gaar ah laga leeyahay ayna ku wajahaan Sharciga Doorashooyinka, isla markaana waxaa uu muddo kororsi uga digay Golayaasha dowladda Federaalka.
Ugu dambeyn Saciid Deni ayaa Shir ugu baaqay inay isugu yimaadan Saamileeyda Siyaasadda dalka, si looga hadlo Arrimo kala duwan oo ay weyn tahay hanaanka Doorashada iyo sidii loo dhameeyn lahaa Khilaafyada siyaasadeed ee jira.