Wargeyska The Observer ee kasoo baxay Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa qoray in laba ruux oo Soomaali ah ay ka baxsadeen Xarun dadka loogu talagalay in lagu karantiilo dadka uu soo rito Cudurka COVID-19, taasi oo ku taalla dalkaas.
Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ee ku sugan degmada Masinidi ayaa shaaciyay inay ku raad-joogaan Nin Soomaali ah iyo xaaskiisa oo Isniintii lasoo dhaafay ka baxsaday Xarun dadka lagu karantiilo.
Sidoo kale lamaanaha baxsaday ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Ibraahim Maxamed iyo Xaaskiisa Shamula Maxamed, iyagoo la tilmaamay in Uganda markii hore kasoo galeen dhinaca Xuduudka dalka Koonfurta Suudaan.
Labadaan qof ee Soomaalida ah ayaa markii hore laga soo qabtay Xarun Ganacsade oo ku taalla Degmada Masinidi ee dalka Uganda, kadib markii lagu arkay looga shakiyay inay qabaan Cudurka Coronavirus.
Madaxa Kooxda Maareynta ee Kiisaska COVID 19 ee Degmada Masinidi Dr. Rogers Musinguzi oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in lamaanahaas Soomaalida ah looga shakiyay COVID-19, kadibna la geeyay Xarunta Karantiil ayna ka baxsadeen, hayeeshee haatan ay ku raad joogaan Ciidanka amniga.