Warar aynu helay ayaa sheegaya in Dil uu xalay ka dhacay Magaalada laascoonood ee xarunta Gobolka Sool, waxaana kasoo baxaya warar dheeraad ah oo ku aaddan dilkaasi.
Wararka aynu helnay ayaa tilmaamaya in Xalay bartamaha magaalada laascaanood lagu dilay lammaane la qorsheynaayy in dhawaan uu dhaco guurkoodu, kuwaasi oo dilkooda ay fuliyeen kooxo hubaysan, kuwaasi oo sida la sheegay Goobta isaga baxsaday dilka kadib.
Waxaana ilaa iyo hadda aan faah faahin laga helin sababta rasmiga ah ee loo dilay lammaanahaasi, la qorsheynayay in dhawaan uu dhaco guurkodu.
Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamada ammaanka,kuwaasi oo sameeyay baaritaanno ay ku baadi goobayaan dableydii dilka ka dambaysay, balse lama shaacin cid loo soo qabtay dilka labada Lammaane, waxaana wali socda howgallo dheeraad ah sida ay inoo sheegen dad goob joogayaal ah oo ku sugan Lascaanood.
Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa dhawaanahaan waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo gaysanayo mas’uuliyiinta degaanka iyo dad shacab ah, waxaana laamaaha ammaanka Gobolka iyo kan magaalada ay dhowr jeer ku cel-celiyeen in ay wax ka qaban doonan dilal iyo falalka amni darro eek a dhaca Magaalada.