Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa maanta guddoomiyey shir muhiim ah oo Golaha Amniga Koonfur Galbeed ku yeeshay xarunta maamulkaasi.
Shirkan, oo ahaa mid si gaar ah looga hadlaayey arrimaha amniga, ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey istiraatijiyada cusub ee xoojinta ammaanka deegaannada Koonfur Galbeed iyo sida loo hortagi karo falalka ay Al-Shabaab (AS) ka geystaan deegaannada maamulkaasi.
Shirkan oo muhiimad weyn lahaa ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, sida Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiir ku xigeenka Amniga, Guddoomiyaha Gobolka Baay, Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, iyo saraakiisha kala duwan ee hay’adaha amniga ee gobolka.
Dhammaan xubnahani waxay ka wada hadleen xaaladda amni ee guud ee deegaannada maamulka, iyagoo diiradda saaraya sidii looga hortagi lahaa weerarada ay kooxda Al-Shabaab ku qaadaan Koonfur Galbeed, gaar ahaan deegaanada ay ku xooggan yihiin.
Madaxweynaha Laftagareen, oo shirkan ka dhigay mid wax ku ool ah, ayaa ku booriyey saraakiisha amniga inay dadaal dheeri ah geliyaan sidii loo xoojin lahaa ammaanka, isagoo si cad ugu amray inay si buuxda u xaqiijiyaan nabadgelyada deegaannada maamulka.
Waxa uu sidoo kale ka hadlay in la kordhiyo iskaashiga hay’adaha amniga iyo bulshada si loo xaqiijiyo xasilooni iyo amni waara.
Shirkan ayaa ka mid ahaa dadaallada maamulka Koonfur Galbeed ee lagu doonayo in lagu xoojiyo amniga gobolka, iyadoo la tixgelinayo weerarada joogtada ah ee kooxda Al-Shabaab ee ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo shacabka.