Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ku eedeeyay inuu Isbaaro u dhigtay Xildhibaano laga soo doortay Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa uu sheegay in shuruudo dhowr ah lagu xiray kuraas Guddiga doorashooyinka heer Federaal ay ka haiyeen Koonfur Galbeed, isla markaana waxaa uu sheegay in aysan aqbali doonin shuruudaha lagu xiray kuraasta la hakiyey.
Xildhibaanada lagu doortay Koonfur Galbeed ayuu tilmaamay in si sharci darro ah Isbaaro loogu dhigtay, wuxuuna sheegay in Ra’iisul Wasaaraha aysan ka aqbali doonin shuruudaha uu wato ee uu ku doonayo in qof isaga uu rabo Xildhibaan looga dhigo.
“20 jirkeygii ayaa diidey oo ka hor imid isbaaro qori wadato, maanta anigoo 50 jir ah oo la joogo 2022 ahayna Madaxweynaha KG wallaahi aanan aqbaleynin isbaaro” ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka hadlaayay kulan uu la yeeshay Xildhibaanada lagu doortay Maamulkaas.
Sidoo kale Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa tilmaamay inay doonayaan in dowladnimada la dhowro oo loo turo, isagoona dad uu ku sheegay wax magarato inay yihiin ay dib u dhac iyo kala qeybin ku wadaan dalka, isla markaana wixii arrintaas ka dhasha ay mas’uuliyadeeda qaadi doonaan, wuxuuna ku baaqay in dalka aan dib loo celin.