Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Maanta maamul cusub u kala magacaabay Gobolka Bakool, isagoo xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyeyaashii Gobolka Bakool ee KGS.
Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen waxaa marka hore Guddoomiye cusub loogu magacaabay Gobolka Baay, waxaana loo magacaabay Cabdifitaax Maxamed Ibraahim, kaasi oo bedelaya Guddoomiyihii isaga ka horreeyay ee xilkaas haayay.
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Guddoomiyaha Gobolka Bakool u magacaabay Maxamed Cabdi Maxamed Tall, halka Cabdullaahi Maxamed Nuur isna laga dhigay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Bakool.
Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Maamulka cusub ee Gobolka Bakool loo magacaabay faray inay dardar-geliyaan shaqooyinka looga baahan yahay Gobolka, sidoo kalena faray Guddoomiyaha Gobolka Baay inuu shaqdaiisa guto.
Wareegtooyinka magacaabista ee uu soo saaray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa waxaa Warbaahinta u Akhriyey Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda KGS Maxamed Cali Ibraahim (Bandhabow).