Waxaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ka dhacday doorashada laba kamid ah kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kursiga tirsigiisu yahay HOP#025 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Abuukar Cali Jacfar oo ah Guddoomiyaha degmada Deyniile ee Gobolkaan Banaadir, waxaana loogu coddeeyay Cod gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa Xasan Cali Cismaan.
Guddoomiye Maxamed Jacfar ayaa waxaa uu helay 100 oo ah Codadkii gacanta taaga ahaa ee ergada wax dooraneysay, waxaana doorashada diiday hal ergo, mana jirin wax ka aamusay, sida Natiijada ku dhawaaqeen Guddiga doorashada Maamulka Galmudug.
Doorashada kursiga labaad HOP#081 ee Maanta ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kusoo baxday Cadar Cali Maxamed oo loogu coddeeyay Cod gacan taag ah, iyada oo heshay 71 Cod, isla markaana ma jirin wax diiday ama ka aamusay doorashada.
Musharax Xildhibaan Nasro Maxamed Dalabeey ayaa u tanaasushay, Cadar Cali Maxamed (shalaqbeen ), iyadoona sidaas loogu doortay Xildhibaan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.