Waxaa wareega labaad ee doorashada madaxweynaha Galmudug u gudbay labada musharax ee kala ah Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Axmed Shariif Cali Hilowle
Musharax Xaaf ayaa wareega koowaad helay codad dhan 57, halka musharax Hilowle uu helay 24-tan cod, kuwaasoo hada ku tartamaya wareega labaad ee doorashada oo ka socoto xarunta madaxtooyada ee magaalada Cadaado.
Waxaa wareega koowaad ku haray musharaxa sedexaad oo ahaa C/qaadir Shirwac helayna 7-cod, sidaasina uga haray tartanka doorashada madaxweynaha Galmudug.