Wararka naga soo gaaraya qeybo kamid ah Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Tuulo hoostagta degmada Walaweyn lagu Gowracay laba Haween ah oo kamid ah kuwa ka Ganacsada Qaadka ama Jaadka.
Kooxo hubeysan ayaa labadaan Haweenka ah kala baxay hooygooda ,oo ku yaalla Tuulo lagu magacaabo Diriweyne taas oo u dhaxeysa Magaalooyinka Walaweyn iyo leego ee Gobolkaasi Shabeellaha hoose.
Macada ilaa iyo hada cida ka dambeysa dilka Haweenkaas,waxaana Meydkooda lagu arkay Wadada dhexdeeda,iyadoona ay qaadeen Ehelada labadaasi Haween.
Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay sheegeen in labadaan haweenka ah ay kamid ahaayeen Ganacsatada qaadka balse ay garan la’yihiin sababta loo dilay.