Wararkii u dambeeyay ee aan ka heleyno qarax iyo dagaal Caawo ka dhacay meel aan ka fogeyn Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan Xerada Dhagaxtuur oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-Sugida Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in uu jiro khasaaro ka dhashay.
In kastoo xili habeen ah ay tahay hadana weli sirasmi ah looma xaqijin karo inta uu la egyahay khasaaraha Ciidamada dowladda iyo Shacabka gaaraya intaba.
Wararka ay Dalsan heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalkaas Caawa uu ku geeriyooday laba Alifle ka tirsan Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo lagu Magacaabo Bishaar sida lagu daabacay Page-ka Facebook Daljir oo ay leeyihiin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.
Goordhow kala socda Wararkii u dambeeyay Radiodalsan.com