Laamaha ammaanka Magaalada Gobolkani Bnaadir ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen  soo qabtay Xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Hub farabadan oo ay gacanta ku hayeen.
Ciidamada Sirdoonka Caasimadda ee qeybta ka ah NISA ayaa sheegay in ay howlgallo ay ka sameeyeen xaafadda Oodweyne Degmada Dayniile ay kusoo qabteen hub iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.
Ragga lasoo qabtay ayaa waxaa ay sheegeen Hay’adaha amnigu in ay shabaab u Qaabilsanaayeen Qaraxyada iyo sidoo kale weerarada ka dhaca Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana intaas ay ku dareen in raggani ay ahaayeen Shabakad ballaaran oo ka tirsan Al-shabaab, haddana ay gacanata ku hayaan hubkoodii iyo dagaalamayaashii gacanta ku hahay hubka ay sheegeen Ciidamada Sirdoonka Caasimadda ee qeybta ka ah NISA in ay kasoo qabteen Xaafadda Oodweyne ee Degmada Dayniile.
Waxaa ay sheegen sidoo kale Ciidanka howlgalka sameeyay in shacabku ay ku gacan siiyeen sidii ay usoo qaban lahaayeen hubkaasi iyi dadkii gacanta ku hahay.
Al-shabaab ayaa magaalada Muqdisho waxaa ay ka fuliyaan weeraro iyo dilal qorsheysan, waxaana intabadan ay sheegen hay’adaha ammaanku in ay wax ka qaban doonaan falalka ay Al-shabaab ka fuliyaan Caasimadda.