Laamaha amniga degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa faah faahin ka baixiyay qarax miino oo duhurnimadii Maanta ka dhacay gudaha Garaash ku yaalla degmadaas.
Taliyaha Ciidanka 14-ka Octoober ee dowladda Federaalka Gaashaanle Cabdiraxiin Muunye oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in qaraxii ka dhacay Marka uu ahaa miino, uuna ka dhex dhacay Garaash lagu sameeyo gaadiid oo ku yaalla xaafadda Wadajir.
Waxaa uu sheegay Taliye Muunye in qaraxa uu ku geeriyooday oo kaliya Ninkii diyaarinayay oo horey dhowr jeer Ciidanka amniga Marka u xireen, maadaama lagu qabtay falal amni darro iyo kamid ahaanshaha Al-shabaab.
Taliyaha Ciidanka 14-ka Octoober ayaa xusay in laamaha amniga ay la wareegeen Garaashka uu qaraxa ka dhex dhacay, isla markaana Garaashkaas ay ka wadaan baaritaano kala duwan, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga Marka.
Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay kamid ah tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan Shabeellaha Hoose, waxaana muddooyinkii dambe amniga degmadaas uu ahaa mid wanaagsan oo aysan falal amni darro ka dhicin.