Boliska Japan waxay maanta gacanta ku dhigay Nin 27-jir ah, kaasi oo dhismihii uu deganaa laga helay Qaboojiyayaal uu ku kaydinayey qeybo ka mid ah Jirka dad mayd ah.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Takahiro Shiraishi ayaa lagu qabtay Dhismo  ku yaalla Deegaanka ZAMA ee Koonfurta caasimadda dalkaasi ee Tokyo.
Boliska dalkaasi oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee aFP ayaa sheegay inay heleen 9 mayd oo 7 ka mid ahaa kuwo aan lahayn wax madax ah.
Warbaahinta Dowladda Japan ee NHK ayaa baahisay inuu Eedeysanaha u sheegay Boliska inuu isagu dilay maydadka laga helay gurigiisa.
Wuxuuna intaasi ku daray in shaqo ka qabtay maydadkaasi, si uu u aaso Caddaymahooda..
Wargeyska Jiji Press ayaa qoray in uu Eedeysanha u sheegay Boliska inuu maydadka ku jarjaray suuliga.
Qalfood dadeed ayaana laga helay qolkisia jiifka.
Dhowr Warbaahin ayaa sheegtay in maydadka la helay kala ahaayeen 8 haween iyo hal nin.
Helitaanka maydadkaasi lagu kaydinayey Qaboojiyayaasha ayaa yimid, xilli ay Boliska baadi-goobayeen Haweeney 23-jir oo la la’aa tan iyo bilowgii bishan October.
Haweeneyda oo xiriir la lahayd Ninkaasi ayaa ka mid ahayd maydadkii laga helay gurigiisa.
Sida laga soo xigtay Wargeyska Malainlaha ee the Sankei Shimbun daily waxay Haweeneydaasi intaan la dilay Barteeda Twitter-ka ku qortay inay raadinayso  qof ay iyada isla dhintaan.
Qaar ka mid ah Warbaahinada ayaa sheegaya in  Shiraishi iyo Haweneydaasiisku barteen Websayt laga dheeho Warbixinadda qaababka la isku dilo.
Kameerooyinka Qarsoon ee CCTV waxay qabteen iyadoo Dilaaga iyo gabadha 23-jirka isla socdeen maalintii Isniinta ee la soo dhaafay.
Walaalkeeda waxa uu u sheegay Boliska inuu Walaashiisa la’aa tan iyo bishii September 21-dii ee sannadkan.
Telefishinadda Japan waxay baahinayeen Muquaaladda Bolis badan oo ku sugan Waddooyina ku gareeraysan Dhismaha lagu qabtay Ninka dadka badan dilay ee maydadka ku kaydinayey dhowr Qaboojiye.