Wey adag tahay in ay Muwaadiniinta ogaadaan Mushaaraadka ay qaataan Madaxda Qarankooda, waana dhaqan soo-jireen ah inay Hoggaamiyayaasha Caalamka, gaar ahaan kuwa Afrika ka gaabsadaan inay sheegaan Mushaarkooda ama Dakhliga Kaydka ee ay dhigteen Bangiyadda lagu kalsoon yahay ee Caalamka.
Waxaana dhab ah inaysan Hoggaamiyayaasha oggolayn in tooshka lagu ifiyo dufanta lacageed ee ay kasbadaan muddada ay hayaan Xilalka Qaran.
Haddaba, Madaxweynaha dalka Tanzania, John Magufuli ayaa noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee Afrikaan ah oo si daah-furan u soo bandhigay Mushaarkiisa Bilaha ee uu qaato.
Madaxweyne John Magufuli ayaa sheegay inuu bil kasta mushaar ahaan u qaato 9 million oo Shillinka Tanzania ah, oo u dhiganta 4,000 oo Dollar ($4,000).
Halkii Dollar waxaa lagu sarifaa  2,239. Shillinka Tanzania.
Madaxweynaha Tanzania, John Magufuli oo shalay la hadlay Saraakiisha Dowladda waxa uu shaaciyey inuu dhimayo mushaarka  Madaxda Fulinta ee Shirkadaha ay Dowladda leedahay, kuwaasi oo mushaar ahaan bishii u qaadan jirey lacag dhan 15 million oo Shillinka Tanzania, oo u dhiganta 6,700 oo Dollar ( ($6,700), waana mushaar ka badan midka uu isagu qaato.
“Wey iska tegi karaan, haddii ay rabin mushaarka laga dhimay, wuxuuna carrabka ku dhuftay inaan indhaha laga qabsan Karin in lagu takri-falo Hantida Ummadda.
Waxa uu intaasi ku daray inuu ku gacan-sayray codsiyo ay qaar ka mid ah Saraakiisha ku doonayeen in loo labanlaabo Mushaarka.
“Ma awoodo inaan sidaas sameeyo, iyadoo ay Muwaadiniin badan haysanin Adeegyada Biyaha, Adeegga Caafimaadka iyo Korantada†ayuu yiri Madaxweynaha dalka Tanzania.
Madaxweynaha Tanzania, John Magufuli waxa uu xilkaasi la wareegay bishii November ee sannadkii 2015-kii, waxayna dadkiisa ugu yeeraan Naanaysta ah Cagafcaf (The Bulldozer).
Waxa uu jaray Kharajkii Dowladda iyo safarka ay Saraakiisha Dowladda ugu dhoofaan dalalka kale.
Madaxweynaha Tnazania marka la eego Mushaarkiisa, waxa uu noqonayaa Madaxweynaha ugu mushaarka yar Hoggaamiyayaasha Afrika, waana Hoggaamiye aan lahayn wax Shirkado ama Ilo kale oo Gamacsi oo ay Dhaqaale ka soo galaan
Si kastaba ha ahaatee,  Madaxweyneyaasha  ugu mushaarka fiican ee Qaaradda Afrika ayaa kala ah:-Madaxweynaha South Afrika, Jacob Zuma oo bishii mushaar ahaan u qaata 20,000 oo Dollarka Maraykanka ah, Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu isagana bishii mushaar ahaan u qaataa 14,000 oo Dollar.
Qoraa Ustaad Nuradin