Donald Trump iyo Barack Obama oo lumiyey Taageerayaal ay ku lahaayeen Twitter-ka.
Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Barack Obama oo horey ugu horreeyey Madaxda Caalamka ee saaxiibadda badan ku leh Barta Twitter-ka ayaa la sheegay inay hoos u dhaceen Saaxiibadda uu ku lahaa Twitter-ka.
Obama oo leh cinwaanka @BarackObama waxa la sheegay inuu labo maalmood gudaheeda ku lumiyey ku-dhawaad 2.3 million oo saaxiibada Twitter-ka.
Khamiistii hore waxa Obama saaxiib kula ahaa Twitter-ka dad tiradooda dhamayd 103.6 million oo qof, balse Khamiistii la soo dhaafay waxay tiradaasi ku soo ururtay 101.3 million oo macaamiishiisa Twitter-ka.
Madaxweynaha haatan ka arrimiya Mraaykanka, Donald Trump oo leh cinwaanka @realDonaldTrump waxa uu lumiyey 320,000 oo Taageerayaal, waxa uu horey u lahaa 53.4 million oo Taageere, halka uu haatan ka leeyahay 53.1 million oo Taageere.
Barta Twitterka ee Madaxtooyadda Maraykanka ee cinwaankeedu yahay @POTUS waxa haatan laga arki karaa inuu hoos-u-dhac ugu soo dhacday 60,000 oo Taageere dhinaca Twitter-ka.
Ra’isul-wasaaraha Hindiya oo lumiyey Kumanaan Taageerayaasha uu ku lahaa Twitter-ka.
Ra’isul-wasaare Narendra Moodi ayaa la sheegay inuu  lumiyey in ka badan 300,000 oo Taageerayaasha ku xirnaa Twitter-kiisa.
Arrintaasi ayaa lagu sheegay Qiimeyn lagu sameeyey Taageerayaasha Hoggaamiyayaasha Caalamka ee Baraha Twitter-ka leh.
Tirada Taageerayaasha ku xiran Twitter-ka Ra’isul-wasaaraha Hindiya waxay haatan dhan yihiin 43.1 million oo qof, halkii uu hore uga ahaa 43.4 million oo Taageerayaal.
Ra’isul-wasaare Moodi waxa uu maalin katsa gaaraa ilaa hal million oo Taageere, kuwaasi oo warbaahinta Bulshadad iyo TV-yadda kala socda Akhbaartiisa.
Waxa kale oo uu saaxiibo ku leeyahay Baraha Bulshada, gaar ahaan Facebook, oo ay Wasiiradiisa isku dhaafsadaan iyo dadweynaha oo ay isku dhaafsadaan Farriimaha Dabaaldegga.
Ma aha Ra’isul-wasaaraha dalka Hindiya oo keliya hoos-u-dhaaca ku yimid Twitter-ka Madaxda dalkaasi, iyadoo Guddoomiyaha Xibsiga Mucaaradka ee Congress Party, Rahul Gandhi uu leeyahay in ka badan 17,000 ooTaageerayaal oo keliya.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Hinsiya, Sushma Swaraj  waxaa Bartiisa Twitterka saaxiib kula ah 74,132 oo Taageerayaal.
Uhuru Kenyatta iyo Ku-xigeenkiisa oo hoos-u-dhac kala kulmay Saaxiibadda Twitter-ka.
Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta waxa u ushalay (Jimco) ku soo toosay, isagoo lumiyey Taageerayaashiisa faraha badan ee ay Twitter-ka jaalka ku yihiin tiradii ay ahaayeen hal habeen ka hor.
Uhuru Kenyatta oo bishii July 12-da ka hor lahaa 3.234.935 Taageerayaal ku lahaa Twitter-ka waxa uu lumiyey 16,071 ka mid ah Taageerayaashii uu saaxiibka kula ahaa Twitter-ka.
Sidoo kale, Ku-xigeenkiisa, William Ruto waxa uu lumiyey  7,211 Taageerayaal uu ku lahaa Twitter-ka, halka Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Isbahaysiga ODM, Raila Odinga ay kordheeen tirada dadka u ujaalka kula yahay Twitter-ka.
Wxaa uu July 12-da ka hor  lahaa 1,923,245 Taageerayaal Twitter-ka, halka ay haatan gaareen 1,923,428 oo Taageerayaal ay saxaiib ku yihiin Twitter-ka.
WQ: Ustaad Nuradin