Eman Axmed Cabdul Catti oo u dhalatay dalka Masar ayaa shalay subax ku geeriyootay Isbitaalka Burjeel oo ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta.
Geerideeda ayaa timid isbuucyo kadib, markii ay u dabaal degtay 37-guuradii ka soo wareegtay Dhalashadeeda.
Waxay mar ahaan jirtey Haweenka ugu miisaanka culus Caalamka, waxaa bishii May 4-dii la dhigay Isbitaalka Burjeel, si looga daaweeyo Cayilka xad-dhaafka ee jirkeeda.
Waxay tahli kari weyday inay socoto ama ay wax ku cunto gacmaheeda cayilka dartiisa.
Bilooyin badan oo la daaweynayey kadib, waxaa ka soo muuqday calaamado muujinaya in horumar laga gaaray daaweynteeda, waxay bilowday inay gacmaheeda kor ugu qaado alaabta iyo inay gacmaheeda wax ku cunto.
Dhakhaatiirta Isbitaalka waxay sheegeen inaysan nolosheeda khatar ku jirin, balse wax kasta waxay isbedeleen, kadib, markii ay shalay (Isniin)Â si kedis ah u geeriyootay.
Dhakhaatiirta waxay dhimashadeeda ku sababeeyeen wadnaha iyo Keliya oo shaqadii gabay.
Ilaa 20 Dhakhaatiir takhasus leh ayaa u xil saarnaa daaweynteeda, waxayna Eman u wareejiyeen qeybta Daryeelka Khaaska (ICU) ee Isbitaalka subaxnimadii Axadda ee la soo dhaafay.
Marxuumadda, Eman Axmed Cabdul oo mar culayskeeda gaaray 500kg waxaa la filayaa in maydkeeda dib loogu celiyo si loogu aaso magaalladda ay ku dhalatay ee Eleskandariya.