Duuliye waday Diyaarad ay leedahay Shirkadda Etihad Airways ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa shalay ku geeriyooday Hawada Dhexe wax yar kadib, markii ay Diyaaradda ka soo hinqatay Garoonka Diyaaradaha ee Abu Dhabi.
Diyaaradaasi oo uu duullimaadkeedu ahaa EY 927 ayaa waxay ku sii jeeday Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda dalka Holland ee Amesterdam.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Shirkadda Etihad Airways ayaa lagu shegay inuu Duuliyaha noqday qof dhaawacan, waxaana hawsha kala wareegay Kaaliyihiisa oo si degdeg u bedelay Khadkii Diyaaradda, kuna degay Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda dalka Kuwait ee Kuwait City.
Duuliyaha ayaa la sheegayinuu geeriyooday, iyadoo daryeel caafimaad loogu fidiyey Garoonka.
Duullimaadkii Diyaaradda eek u wajahnayd magaalladad Amesterdam ayaa la sheegay inay muddo 14 saacadood dib u dhacday, sida lagu muujiyey Boorka Jadwalka Diyaaradaha ku soo degayey Garoonka Amesterdam.
Dhacdada geerida ee sida kediska ugu timid Duulliyaha ma aha tii ugu horreysay ee Caalamka ka dhacda.
Bilowgii sannadkan, Duuliye waday Diyaarad ay lahayd isla shirkadda American Airlines ayaa geeriyooday, ka hor intaysan Diyaaradda caga-dhiganin Garoonka.
Sidoo kale, Bishii October ee sannadkii 2015-kii, Duuliye kaxaynayey Diyaarad ay leedahay Shirkadda American Airlines ayaa ku geeriyooday isagoo kala bar maraya Duullimaadkiisa.
Xigasho: Nomascoach