La-taliyihii gaarka ahaa ee Xariiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Xariir Baaruud ayaa shaaciyay inuu isaga tegay shaqadii uu haayay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka.
Cabdi Xariir ayaa ka hadlin sababta uu shaqada uga tegay, hayeeshee Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu sheegay in intii uu xafiiska Ra’iisul Wasaaraha joogay inuu wax badan bartay.
Sidoo kale Cabdi Xariir Baaruud oo kamid ahaa xubnihii sida gaarka ula shaqeynayay Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inuu Macsalaameeyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana uu gebi ahaan shaqada isaga tegay.
Cabdi Xariir ayaa kamid ahaa La-taliyeyaashii la shaqeynayay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Kheye, kaasi oo Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ay Codka kalsoonida kala noqdeen.
Si kastaba intan badan Mas’uuliyiintii aadka ula shaqeeynayay Xasan Cali Kheyre ayaa xilalkii iska Casilay, waxaana ugu dambeeyay Cabdi Xariir Baaruud oo isna is Casilay, wuxuuna sheegay intii xafiiska inuu wax badan bartay.