Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Somaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka kuwait, halkaasi oo ay kaga qeyb gelayaan shirka Wasiiradda Qorsheynta ee Wadamada Carabta Kaas Oo sanadkiiba mar qabsooma waxaana inta badn lagu soo hadal qaadi doonaa maalgashiga wadamo ay ugu horayso Soomaaliya.
waxaa garoonka diyaaradaha dalka Kuwait ku soo dhoweeyay Wasiirka iyo wafdiga uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Machadka Qorsheynta Dowladdaha Carbeed iyo Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi ufadhiya.
Wasiir Jamaal ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta iyo ku casuumidda kulanka ee loo sameeyay, Waxa uu intaas ku daray Wasiirka Qorsheynta in uu kulmo gaargaar ah la qaadan doona madaxda ugu sareesa dalkaas masuuliyiinta ka soo qeyb gasha iyo sidoo kale  jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkaas.
Abdul Wahab Albadir, Agaasimaha Sanduuqa Dhaqaalaha Dowladda Kuwait, ayaa tibaxay hanaanka socodsiinta Horumarka ka socda dalka soomaaliya, waxa uuna balan qaday in Kuwait door wanaagsan ay ka qaadan doonto hormarinta Dadka iyo Dalka.
Halkaan Ka Daawo Sawirada.