Munaasabad uu xilka kula wareegayay ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale, kuxigeenkiisa iyo Saraakiisha NISA.
Munaasabada ayaa waxaa ka hadlay taliyayaasha xilalka isku wareejinayey
Taliyihii hore Jen. C/llaahi Gaafow ayaa ugu horeyn Taliyaha cusub ku wareejiyay Documentiyo muujinaya xogaha iyo warbixino la xiriira shaqada hay’adda NISA, isagoo sheegay in xilligan ciidanka nabad sugiddu ay hayaan howl adag oo ahmiyad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed.
Taliyaha cusub Sambaloolshe ayaa sheegay in kor u qaadis iyo horumarin ku sameyn doono howsha qaranka, isagoo balan qaaday inuu la imaan doono tallaabooyin cad cad oo wax looga qabanayo Ammaanka.
Sambaloolshe ayaa sheegay inuu la dagaalayo kuwa shabaab iyo dawladda ka dhex shaqeysta.
Dhinaca kale Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo ka hadlay munaasabada xil wareejinta ayaa kula dar daarmay Taliyaha cusub in shaqo culus ay hor-taalo, loogana fadhiyo inuu kabaha la ilado Kooxda Al-Shabaab ee qaraxyada ka geysta Muqdisho.