Magaalada Baladwweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ka dhici doonto doorasho kuraas Galaha Shacabka ah, oo degaan doorashadoodu ay tahay Gobolka Hiiraan.
Waxaa lafilayaa in saacadaha soo aaddan ay billabato doorashada labo kursi oo Golaha Shacabka ah, waxaana ka mid ah Kuraastaasi kursiga Hope063 oo ay ku tartamayaan Musharixiintii ugu badnaa Doorashada Baarlaamaanka Soomaaliya, iyadoo ilaa iyo Sagaal Musharax ay isku diiwaan galiyeen Kursigaasi.
Kursigaasi ayaa waxaa horay ugu fadhiyay Xildhibaan Cabdullaahi Godax Barre, iyadoo haatan ay isku soo taagen shaqsiyaad kale oo doonaya in ay ku guulaystaan Kursiga.
Sidoo akle waxaa la dooran doona kursiga kale ee Hope011, kaasi oo isagana ay ku tarmayaan labo Musharax.
Doorashada ayaa goordhaw billaaban doonta, waxaana hadda socda diyaar garowgeeda.