Rabshadaha saacadihii la soo dhaafay ka socday magaalooyin ka mid ah  dowlad deegaanka soomalida Itoobiya ayaa sabab u noqday in ay barakacaan kumanaan ruux si aysan dhibaato u soo gaarin.
Qaar ka mid ah Warbaahinta Caalamka iyo dad ku sugan Jigjiga ayaa waxa ay sheegayaan in dad badan ay ka baraceen rabashadahaas oo ka socda Magaalooyinka Jigjiga iyo diridhaba ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Qof ku hadlayay  Luuqada afka Oromada ayaa sheegay in 10,000 qof ay u qaxeen dalka Jabuuti iyaga ka cararaya xasilooni darro ka jirta deegaanka Shiniile ee DDS iyo deegaanada kale ee rabshaduhu ay ka jiraan.
Dawladda Itoobiya ayaa sheegaysa in ciidamada militarigu ay qaadi doonaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u ilaaliso nabadgelyada gobolka Soomaalida ee kuyaal Bariga dalkaas. Kadib markii iskudhacyo qawmiyadeed ay galaafteen nolosha ugu yaraan 10 qof.