Hadal ka soo baxay Milliteriga dalkaasi ayaa sheegay in dhamaan Buundooyinka dul-mara Webiga Dajla ee Galbeedka Mosul noqdeen kuwo aan la geli karin, lagana soo bixi karin, waxaana go’ay dhabihii dadka lagu gaarsiin lahaa Sahayda Samafalka.
Boqolaal qof oo rayid ah ayaa adeegsanayey doonyaha alwaaxda si ay uga gudbaan Webiga Dajla, iyadoo inta badan Buundooyinka lagu burburiyey Dagaalladii ka dhacay Deegaankaasi.
Ku-dhawaad 400,000 oo qof ayaa weli ku go’doonsan Galbeedka Mosul ku go’doonsan iyadoo ay Ciiddanka Dowladda doonayaan inay Kooxda Daacish ka saaraan Galbeedka Mosul.
©Radio Dalsan