Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federalka ayaa soo saartay Warbixin ku aadan Faafista Cuddurka Shuban-biyoodka ee Koleeraha iyo dadka uu soo ritay iyo kuwa  geeriyooday tan iyo bilowgii sannadkan 2017-ka.
Warbixinta ayaa lagu xusay in la diiwaan geliyey 4,026-Kiis ee dadka uu soo ritay Cuddurkaasi, iyadoo ay 57-qof u geeriyootay.
Cuddurka Koleeraha ee ka dilaacay Somalia waxa uu saameeyey 38 Degmo oo ka tirsan 8 Gobal, iyadoo la so owerinayo inuu ku sii faafay Tuullooyin iyo Degmooyin kale.
Inta badan Degmooyinka uu saameeyey Cuddurkaasi ayaa ah Degmooyinka ku teedsan Jiinka Webiga Shabelle, halkaasi oo uu Webigu qalalay.
Abaarta sii socota, biyo-yarida iyo nafaqo-xiumida ayaa horseeday inuu sii faahafo cuddurka Koleeraha ee dillaacay.
Xarumo cusub oo lagu daaweeyo dadka uu soo rito cuddurkaasi ayaa laga furay Degmadda Buur-hakaba, iyadoo Ceelasha biyaha ee lagu shubo Koloriinka laga hirgeliyey Baydhabo, Buur-hakabo iyo Deegaanadda ku hareeraysan.
Dhinaca kale, Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sii wada inay Wasaaradda Caafimaadka kala shaqeeyaan Ka-hortagga Caafimaadka iyo Wacyi-gelinta ku aadan inay Bulshadda iska dhaqaan gacmaha marka ay ka soo baxaan Suuliga.
©Radio Dalsan