Munaasabad lagu daah furayo dib u howlgelinta Kuliyada Cilmiga Saxaafada ayaa ka socota Xarunta Wasaarada Warfaafinta ee  Magaalada Muqdisho.
Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ah Masuuliyin ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre,Wasiir Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow, Xildhibaan  Qaalid Macoow  Cabduqaadir oo ah Xubin ka tirsan  Guddiga Warfaafinta Baarlamanka Soomaaliya,Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda Dr, Maxamed Axmed Jimcaale iyo Masuuliyin kale.
Kuliyadaan ayaa waxa ay ka mid aheyd Kuliyadihii hore ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed,waxana ka baxay Wariyaal Rug Cadayaal Saxaafadeed ah iyo Siyaasiyiin magac ku leh Bulshada dhexdeeda oo uu ka mid yahay Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.
Jaamacadda Ummadda oo ka kooban 7 Xarumood ayaa waxaa ka mid ahaa Xarunta Gaheyr oo ay dhawan ka baxeen Ciidamada Amisom oo fariisin ku lahaa,waxana sidoo kale hada Shaqeeya Saddex Xarumood oo ku yaala Muqdisho.
Wixii ku soo kordha Munaasabadaas kala socda radiodalsan.com