Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in uu gabi ahaanba baaqay Kulankii Maanta ay yeeshan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Sababta uu kulankaas u baaqday ayaa waxa ay tahay Kooram la’aan,kadib markii ay Xildhibaanada soo xaadi waayeen kulanka.
Xarunta Golaha Shacabka ayaa Maanta waxaa soo xaadiray 129 Xildhibaan oo kaliya,iyadoo xalay lagu wargeliyay Xildhibaanada Golaha Shacabaka in Maanta uu jiro,isla markaana laga doonayo in ay ka soo qeyb galaan.
Ajendihii kulankaas ayaa waxaa uu ahaa Aqrinta labaad Hindise sharciyeedka shirkadaha Ganacsiga.