Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta sabti ah lagu waday in kulan ay ku yeeshaan Xaruntooda Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal, hayeeshee waxaa uu u baaqday.
Sababta keentay inuu baaqdo kulankaas ayaa waxaa lagu sheegay kooram la’aan, kadib markii Fadhiga ay soo xaari waayeen inta badan Xildhibaanada Maamulkaas oo xalay loo diray fariimo wargelin kuna aadan kulanka.
Ajendaha kulankii Maanta baaqday ee Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa uu ahaa Mooshin ka dhan ah Madaxda Guddiyada Baarlamankaaas, iyadoo la doonayo in isbeddel lagu sameeyo.
Khamiistii lasoo dhaafay ayey markii Xildhibaanada Puntland ay xasaanada ka qaadeen 8 Xildhibaan oo ka tirsnaa Maamulkaas, kuwaasi oo loo jeediyay eedeymo kala duwan, ugu dambeyntiina xilka qaadis lagu sameeyay.
Xubnaha xasaanada laga qaaday oo warbaahinta xalay la hadlay ayaa kasoo horjeeystay tallaabadii xasaanada looga qaaday, iyagoona sheegay in weli ay yihiin Xildhibaano, isla markaana si sharci darro loo maray xilka qaadistooda.
Xildhibaanadii xasaanada laga qaaday ayaa kala ah Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac Surato, Muuse Siciid Xassan (Jajabsay), Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Baduugaaye) iyo Maxamuud Axmed Caalin iyo C/raxmaan Maxamed Maxamud ( Dhoore).