Maanta ayuu qorshuhu ahaa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu hortago Xubnaha Baarlamaanka labada Aqal kadib codsi ka yimid Maalin ka hor Madaxweynaha.
Ilo xog ogaal ah ayaa Dalsan u xaqiijiyay baaqashada kulanka waxaana sidoo kale Waaxda Warfaafinta Baarlamaanka ay ku sheegeen baaqashadaas cilad farsamo.
Kulanka labada Aqal ayaa madaxweyne Farmaajo waxa uu ka jeedin lahaa khudbad dheer oo uu kaga hadli lahaa ammaanka iyo in uu adeegsado awoodii dheeraadka ah ee Dastuuriga kadib qarixii ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa u dhegtaagayay waxyaabihii ka soo bixi Kara kulankaas maadaama madaxda ugu sareysa dalka ay Maalin ka hor ay ku dhawaaqeen in dalka uu gelayo xaalad dagaal