Waxaa Goordhow Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ka furmay kulankii Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ay su’aallaha ku weydiinayeen Wasiirada Amniga iyo Gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar)
Kulanka ayaa waxaa Guddoominayo Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Golaha Shacabka mudane Abdiweli Ibraahim sheikh Muudey, isla markaana waxaa goobjoog ka ah  120 Xildhibaan.
Xildhibaanada ayaa Wasiir Oomar weydiin doona su’aallo la xiriira howlaha shaqo ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo xayiraadii la saaray Madaxweyneyaashii hore ee dalka.
Sidoo kale Wasiir Islow ayaa isna waxaa wax laga weydiin doonaa howlaha shaqo ee Wasaaradda iyo arrimo kale oo la xiriira dhanka amniga Caasimada iyo arrimo kale.