Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay muqdisho ku yeeshaan Kulankii 12-aad,waxaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen Guntanka Kullamada guud ee Golaha Shacabka , Xildhibaanada ka qeyb gala Shirarka iyo Siminaarada aan Gudoonka la socon iyagana aan warbixin laga helin.
Sidoo kale kulanka ayaa lagu go’aamiyay in Maalinta Berito ah kulanka Baarlamaanka soomaaliya looga hadlo arrinka ku saabsan kiiska Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax, iyada oo dhamaan xildhibaanada lagu wargeliyay.
Shalay ayaa qorshuhu ahaa in ay Go’aan ka gaaraan xildhibaanada Aqalka Sare balse markii cod loo qaaday la isku raacay in laga Warsugo Xubnaha Golaha Shacabka,waxana jirtay xildhibaanada qaar oo arrinkaas ka biyo diidan.
Kulanka Golaha Shacabka ee Maalinta Berito ah ayaa ah mid xasaasi ah, waxaana xusid mudan in dhawaan kulan ay yeelan lahaayeen xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya kaas oo looga doodi lahaa kiiska Qalbi Dhagax uu u baaqday Kooram la’aan