Waxaa goordhow Xarunta Golaha Shacbka ee Baarlamaanka Soomaaliya ka furmay kulanka 11-aad kalfadhiga 4-aad ee Xildhibaanada Golaha shacabka.
Kulankan ayaa waxa uu ku furmay 151 Xildhibaan, waxaana shir Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
Sidoo kale kulanka waxaa goobjoog ah Xildhibaanada Golaha shacabka.
Wasiirka Wasaarada howlaha guud ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xildhibaan C/fitaax Geeseey ayaa xildhibaanada u aqrinaya hindise sharciyeedka nidaaminaya naqshadeynta magaalooyinka, hormarinta iyo maamulka dhulka.