Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad goboleedka HirShabeelle ahna ku-simaha madaxweynaha Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta ka qeyb galay kulan xubnaha labada gole ee Hirshabeelle ay su”aalo ku waydiinayeen Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
Xubnaha Gudigaan ee shalay soo gaaray Caasimadda Dowlad goboleedka HirShabeelle ee Jowhar waxaa hogaamineysay Marwo Khadija Cosoble Cali iyadoona uga jawaabtay Xubnaha Xildhibaanada iyo Wasiirada dhammaan su’aalihii ay qabeen.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlada HirShabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa guddiga u sheegay in Maamulka HirShabeelle uu diyaar u yahay qabsoomida Doorasho Qof iyo Cod ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saxiixay sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed 2020/21 awood u yeelan doonaan iney doortaan shaqsiga ay doonayaan inuu hoggaamiyo.