Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir Guddoomiyay kulanka bilaha ah ee Golaha amniga heer Dowlad Goboleed kaas oo bishiiba mar la qabto.
Kulankan waxaa ka soo qaybgalay golaha Xukuumada ee golaha amniga ka tirsan, Guddoomiyaha Gobolka, Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Jubbaland,Ciidamada Xooga dalka iyo kuwa AMISOM.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay amniga Guul ee deegaanada Jubbaland, sidii loo dardar galin lahaa sugida nabadgalyada iyo howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay la wareegidii Ciidanka Jubbaland ee deegaanka Jannaay Cabdalle ee duleedka Magaalada Kismaayo, isagoo u mhadaceliyay Ciidanka Maamulka iyo kuwa dowladda Federaalka ee Al-shabaab ka qabsaday deegaankaas.