Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay guddoomiyay Shirka joogtada ah ee guddiga Qaran ee ka hortagga iyo xakameynta Cudurka COVID-19.
Kulanka oo ahaa mid dhinaca Internet-ka ah ayaa waxaa ka qeyb galay dhamaan xubaha Guddiga Qaran ee Cudurka, iyadoo looga hadlay xaaladda dalka ee COVD-19 oo kiisas farabadan laga helay Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cal Kheyre ayaa Guddiga ka dhageystay warbixintii ugu dambeysay ee Coronavirus ee dalka iyo hadalka uu marayo dadaadka socda ee looga hortegayo faafida Cudurka oo saameyn ku yeeshay aduunka oo dhan.
Sidoo kale inta uu kulanka socday ayaa waxaa looga looga dooday saameynta dhaqaale ee uu Cudurka halista ee COVID-19 ku yeeshay bulsahda iyo sida loo wajahayo, maadaama weli ay sii kordhayan kiisaska Cudurka ee laga diiwaan-gelinayo dalka.
Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ayaa dardar gelineysa wacyigelinta bulshada si looga hortago cudurka Covid-19 oo dhibaato ku haya dunida oo dhan.