Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa magaalada Nairobi ee xaasimadda dalka Kenya kula kulmay masuuliyiin kala duwan iyaga oo ka wadahadlay arrimo badan oo la xiriira xaaladda Soomaaliya.
Kulankaan oo dhex maray Madaxweynaha Jubbaland Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu lafa guray arrimaha doorashooyinka ee 2020 iyo 2021 iyo qorshaha dowladda kaga aaddan qabsoomidda doorashada.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku booqdey hoyga uu ka deganyahay malaada Nairobi ee dalka Kenya.
Kulankan oo lagaga wada arrinsanayey xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Doorashada 2020/2021 ayaa sidoo kale kulanka waxaa ku weheliyey madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.