Wefdi ay hogaaminaysay guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa shalay gaaray magaalada Dhusa-mareeb halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Dhinaca kalana waxa ay kulamo la qaateen masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo ay kala hadleen arrimaha doorashooyinka iyo sida ay u qabsoomi karaan iyada oo dadka la barayo hanaanka codeynta.
Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug maanta ka daahfuray Ololaha wacyi galinta Bulshada Galmudug ee arrimaha Doorashooyinka Qaranka 2020-2021.
Dhanka kalana xubnaha guddiga ayaa tegi doona deegaano kale oo ka tirsan maamul gobaleedyada kaas oo ay kasoo sameyn doonaan kulamo wacyigel;in ah oo looga hadlayo doorashooyinka dalka kusoo wajahan.