Magaalada jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hir-Shabeelle waxaa iminka ka socda kulamo kala duwan oo ay leeyihiin Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo Xildhibaanada hir-Shabeelle.
Kulamadaan ayaa looga arinsanayaa sidii xal looga gaari lahaa xiisadii ka dhalatay xilka qaadistii Xildhibaanada Hir-Shabeelle ay ku sumeeyeen Cali Cabdulalahi Cosoble.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Gudaha,wasiirka Amniga iyo wasiira kale ayaa jowhar ku sugan,kuwaas oo iskudayay xal ka gaarista xiisada ka dhaxeysa hoggaanka Hir-Shabeelle.
Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynihii Hir-Shabeelle oo ay Xildhibaanada Hir-Shabeelle xilka qaadista ku sameeyeen ayaa shalay War uu soo saaray waxa uu ku sheegay in Ra’iisul Wasaare  Kheyre uu ka dambeeyo xilka qaadistii dhicisoobay ee lagu sameeyay sida uu hadalka u dhigay.
Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa dhankooda waxay wadaan dadaalo ku aadan xalka Hir-Shabeelle oo todobadkaan noqday hadalheynta dhanka Siyaasada Soomaaliya.
W/Q/ Cabduqaadir Jakaarta
Afhayeenka Maamulka Hir-Shabeelle Cabdikariin Macalin Aloos ayaa Dalsan u sharaxaya kulamada ka socda Jowhar