Xoghayaha Guud ee QM, António Manuel de Oliveira Guterres  waxa uu shalay oo Jimco ahayd u magacaabay George Conway oo u dhashay dalka Canada inuu noqdo Ku-simaha ama Sii-hayaha xilka Ergayga Khaaska ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia ee UNSOM.
George Conway waxa kale oo uu ahaan doonaa Xiriiriyaha QM ee Hawlaha Samafalka ee Somalia, waxaana uu xilkaasi kala wareegay Peter de Clerqq oo u dhashay dalka Holland.
George Conway waxa uu haatan Wakiilka Hay’adda QM ug uqaabilsan Horumarinta Barnaamijyadda ee UNDP u jooga Somalia, wuxuuna khibrad sannooyin badan u leeyahay Nidaamka Shaqo ee QM, oo ay ku jirto La-taliyaha Istaraatijiyadda ee Xafiis Gobaleedka UNDP ee Qaaradda Afrika.
Waxa kale oo uu ahaa Agaasimaha Hay’adda UNDP ee dalka South sudan iyo Madaxa Barnaamijyadda ee Hay’adda UNDP ee isla dalka South Sudan.
Ku-simaha Ergayga Khaaska ee QM ee Arrimaha Somalia, George Conway waxa uu dhashay sannadkii 1970-kii, waxaana uu haystaa Shahaadooyin Heer Jaamacadeed oo kala ah: 2 Master ee Arts degress oo uu ka qaatay Jamaacadda Carleton University iyo Jamaacadda Kale ee University of Western Ontario.
Sidoo kale, waxa uu shahaadada Bachelor of Arts ka qaatay Jamaacadda The University of Winnipeg oo dhamaantooda ku yaalla gudaha dalka Kanada.
Si kastaba ha ahaatee, magacaabista Ku-simaha ama Sii-hayaha xilka Ergayga Khaaska ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia ee UNSOM waxay ku soo beegantay kadib, markii ay DFS cayrisay bishii Janaayo 2-dii ee sannadkab Ergaygii hore ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsanaa Arrimaha Somalia, Nicholas Hansom
Xigasho:Â un.org