In ka badan 800 Askari Kenyan ayaa isaga tegay Ciiddanka, tan iyo markii ay Ciiddanka Kenya Hawlgalku ku soo galeen dalka Somalia sannadkii 2011-kii.
Agaasimaha Dacawad-oogaha Milliteriga Kenya, Sarreeye Guuto Kenneth Okoki Dindi ayaa hadalkaaasi ka hor sheegay Maxkamadda Milliteriga ee magaalladda Mombasa, wuxuuna xusay inay Askartaasi sababo badan uga carareen Hawlaha Ciiddanka Kenya.
Waxa uu tilmaamay inay Ciiddanka baxsaday saamayn toos aj ku yeesheen Anshaca Ciiddanka.
Taliska Ciiddanka Kenya ayaa doonaya Fasax Maxkamadeed si loo dardar geliyo Codsiga Dowladda ee ka dhanka ah 25 Askar hore oo ka tirsanaa Saldhigga Ciiddanka Badda Mtongwe ee magaalladda Mombasa.
Garsoore Martin Moya oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Mombasa ayaa bishii August 21-dii ee sannadkii hore waxa uu sii daayey Askartaasi hore, oo ay ku jireen qaar uga goostay Ciiddanka Kenya si ay ugu shaqeyaan Shirkad Maraykan oo u qaabilsan Hawlaha Ammaanka..
Dhinaca kale, Saraakiil aad u tabaran ayaa isaga tegay Shaqada Ciiddanka Kenya tan iyo sannadkii 2011-kii, kuwaasi oo caqabado Shaqsiyadeed kala kulmay Hawlgalladda socda iyo Fargelinta Milliteri ee ay Askarta Kenya ka wadaan gudaha Somalia.
©Radio Dalsan