Wakaalladda wararka dalka Suudan SUNA ayaa sheegtay in ugu yaraan 36 qof lagu dilay Dagaal-beeleed ka dhacay Galbeedka Goballka Daarfuur.
Maleeshiyo Carbeed oo ka soo jeeda Qabiilka Taa’iisha iyo Qabiilka kale ee aan Carabta ahayn ee Falata ayaa la sheegay inuu dhex maray Iska-horimaadka dagaal ee lagu riiqmay.
Tirada dhimasahada ayaa laga cabsi qabaa inay sare u kacdo, iyadoo ay jiraan ugu yaraan 32 qof oo dhaawacan, oo ay qaarkood xaalladooda liidato.
Iska horimaadka waxaa la sheegay inuu ku salaysan yahjay Muran la xiriira Deegaan la isku haysto.